Ciise

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Nabi Ciise)
Jump to navigation Jump to search

بسم الله الرحمن الرحيم الحمد لله رب العالمين

Maryama Ciise Hooyadiis[wax ka badal | wax ka badal isha]

Sawir-gacmeed Beershiyaaan ah oo muujinaya Maryama iyo wiilkeeda Nebi Ciise.

Maryam, Maryama, Maryam bintu Cimraan (Af-Hebrow: מִרְיָם‎ Af-giriig: Μαρία; Af-Laatiin: Maria; Ge'ez: ማርያም Af-Carabi: ﻣﺮﻳﻢ, loo qoro: Marīam, loogu dhawaaqo: "Mariyam"; hooyo u ah: ﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰ; "Nebi Ciise"; ama: يسوع, loogu dhawaaqo "yasuuca") waxay ahayd qof muuminad ah oo dhashay isla markaana hooyo u ahayd nebigii Alle u soo direy reer banii Israaiil waa Nebi Ciise (c.s).

Markey taariikhdu ahayd qiyaastii 20 sano C.H (Dhalashaddii Ciise Horteed) ayaa Maryama ku dhalatey magaalada Baytulaxam[1] ee ku taala dhulka ay Falastiiniyiintu degaan, waxay isla magaaladani ku dhimatey markey taariikhdu ahayd qiyaastii 100 ilaa 120 sano C.D.[2] Maryama waa qofta dumar kali ah ee lagu xusay marar badan kitaabka Quraanka ah. Ilaahay (koreeye) wuxuu Quraanka kariimka ah ku yidhi:

Is-deji! ayay malaa'igtu ku tidhi: “Maryamaay! Ilaahay ayaa ku doortey adiga, waxaanad tahay mid nadiif ah oo laga kor mariyay dhamaan dumarka bulshooyinka oo dhan.”
Quraan, suurada 3aad (Al Cimraan), aayada 42aad[3]

Dhinaca kale, suurada 19aad ee kitaabka Quraanka waxaa loogu magac-daray Maryama; taasi oo ka waramysa nolosheedii iyo camalkeedii. Intaasi waxaa dheer, Maryama bintu Cimraan waxay ka mid tahay sideeda qof ee loogu magac-daray suurad ka mid ah Boqol toban iyo afar Suuradood ee kitaabka Quraanka kariimka ah.[4]

Shakhsiyada Maryama[wax ka badal | wax ka badal isha]

Maryama bintu Cimraan waxay ahayd qof wanaagsan oo diinta Alle si fiican u heeysatay isla markaana cabsida Ilaahay dartiis u gashay masaajidka oo hooy u ahaa inta u badan nolosheeda. Wanaageeda iyo shakhsiyad fiicni darteed, Maryama bintu Cimraan waxay lahayd magacyo iyo naanaysyo badan, kuwaasi waxaa ka mid ah: Hooyadii Ciise, Mucjiso Alle, Tusaalaha Dumarka, Geesiyadii Xaqa, Boqoradii Wanaaga, Saai'ma, Mustafiya, Raaqiyah (Rāki’ah), Saajidah (Sājidah), Qaanitah (Qānitah), Run-sheeg (Siddiqah), Taxiirah (Tāhirah) iyo kuwo kaleba.

Dhinaca kale, Maryama bintu Cimraan waxay ahayd hooyo leh mucjiso aad u wayn, sababtoo ah ayadoon u tagin ama la kulmin wax nin ah ayaa waxay uureysatey ka dib na dhashay Sayid Ciise Masiixi, arintaasi oo Alle (s.w) ka dhigay tusaale iyo waxkuqaadasho cajiib badan.[5][6]

Maryama waxaa Ilaahay (koreeye) ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed, waxaana jirta suurad loogu magac-daray ayada oo la yidhaado Suuratu Maryam oo ah suurada 19aad ee Quraanka. Intaasi waxaa dheer, inta jeer ee kitaabka Quraanka lagu xusay Maryama way ka badan tahay inta jeer ay ku dhex-jirto Kitaabka Injiileed ee lagu soo dejiyay wiilkeeda Nebi Ciise Masiixi.

Guud ahaan, Maryama bintu Cimraan waxay ku dhalatey mar ahaantaana ku nooleyd nolosheeda oo dhan magaalada Baytulaxam oo ku taal dhulka ay Falastiiniyiintu degaan sanado badan ka hor bilowgii taariikhda miilaadiga.

Qoyska Cimraan[wax ka badal | wax ka badal isha]

Sida ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah Maryam waxay ka soo jeedaa mar ahaantaana ku abtirsataa qoyska reer Cimraan oo ah aabaha Nebi Muuse, Nebi Haaruun iyo walaashood Miryama. Sidoo kale, Maryama waxaa loogu yeedhaa "Maryam bintu Cimraan" taasi oo loola jeedo gabadhii reer Cimraan, laakiin aabaheeda saxda ah kuma xusna diinta Islaamka, laakiin diinta Masiixiyada waxay aabaheed ku sheegeen Jaawjim[7] (Joachim). Intaasi waxaa dheer culimada qaar waxay sheegeen in Maryama ay ka soo jeedo Nebi Haaruun oo ah wiilka Cimraan iyo walaalka Nebi Muuse iyo Miryama.[8]

Dhinaca kale, Maryama waxaa hooyo u ah sheekhada Anna (حنة) qoftaasi oo ahayd qof aad ugu wanaagsan cibaadada iyo diinta Alle.[9]

Kitaabka Injiil[wax ka badal | wax ka badal isha]

Injiil Kitaabka Injiil (Af-giriig: Αγία Γραφή, Βίβλος; Af-Laatiin: Biblia; Af-Carabi: ﮐﺘﺎﺏ ﻋﻴﺴﻰ; "kitaabu ciisah") waa kitaab Ilaahay ku soo dejiyay Nebi Ciise (c.s). Erayga Injiil macnihiisu waa war wanaagsan ama bishaaro. Inkasta oo mararka qaarkood Axdiga Cusub lagu magcaabo Injiil, haddana waxaa si gaar ah eraygan loogu yeeraa mid walba oo ka mid ah afarta qoraal ee ugu horreeya Axdiga Cusub oo kala ah Mateeyos, Maarkos, Luuqa, iyo Yooxannaa.[10]

Nabiyada iyo Rasuusha[wax ka badal | wax ka badal isha]

Nebiya Ilaahay (s.w,t) ku sheegay kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiayay Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg waa 25 Nabi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Ku Xusan Quraanka
(الأنبیاء والرسل في القرآن)
Nebi Aadam
Nebi Al-yasac
Nebi Ayuub
Nebi Ciise
Nebi Dulkifli
Nebi Daa'uud
Nebi Haaruun
Nebi Huud
Nebi Ibraahiim
Nebi Idriis
Nebi Ilyaas
Nebi Ismaaciil
Nebi Isxaaq
Nebi Luud
Nebi Muuse
Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg
Nebi Nuux
Nebi Saalax
Nabi Shuceyb
Nebi Sulaymaan
Nebi Yaxye
Nebi Yacquub
Nabi Yuusuf
Nebi Yuunus
Nebi Zakariye

Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay[wax ka badal | wax ka badal isha]

Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg waxaa jira tiro badan oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub. Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg.

Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.

Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Lagu soo Dejiyay Kitaab
(ﮐﺘﺏ الأنبیاء والرسل)
Magaca Magaca
Af-Carabi
Kitaabka Suxufi Sharaxaad Kooban
Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg ﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪ Kitaabka Quraanka
"Al-Furqaan"
(ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ)
-
Nebi Ciise ﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰ Kitaabka Injiil
"Masiixiyad"
-
Nebi Muuse ﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰ Kitaabka Towraad
(ﺗﻮﺭﺍﺓ)
Suxufi Muusa
Nebi Daa'uud ﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩ Kitaabka Sabuur
(ﺯﺑﻮﺭ)
-
Nebi Ibraahim ﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ - Suxufi Ibraahim

Qoraalo La Mid Ah[wax ka badal | wax ka badal isha]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal isha]

  1. "taariikhdu ahayd qiyaastii 20 sano C.H"
  2. "100 ilaa 120 sano C.D"
  3. "Quraan, suurada 3aad (Al Cimraan), aayada 42aad"
  4. "sideeda qof ee loogu magac-daray suurad ka mid ah Boqol toban iyo afar Suuradood ee kitaabka Quraanka"
  5. "la kulmin wax nin ah ayaa waxay uureysatey ka dib na dhashay Sayid Ciise Masiixi"
  6. "Maryama bintu Cimraan waxay ahayd hooyo"
  7. "aabaha Nebi Muuse, Nebi Haaruun iyo walaashood Miryama"
  8. "culimada qaar waxay sheegeen in Maryama ay ka soo jeedo Nebi Haaruun"
  9. "hooyo u ah sheekhada Anna"
  10. Axdiga Cusub